Ra’iisal Wasaare Kheyre oo guddoomiyay shir ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole dalalka caalamka ee ay deymaha ku leh uga cafin lahaayeen, kaddib markii hay’adda lacagta adduunka IMF-ta ka dalbatay ku xirtay shuruudo ay ka mid yihiin ogolaanshaha inay ka keento dowladihii Soomaaliya dhaqaalaha demiyay.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee looga hadlo qorshaha cafinta daymaha kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya.

LA SOCO WARAR KALE

Wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.