Mustafa Cagjar: “Soomaaliya waa dal aynu jaar nahay wax dhibaato ahna ma lahan in astaantooda la qaato”

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cagjar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadal heyn maalmahaan la isla dhex marayay magaalada Jigjiga oo ku saabsan astaanta calanka Soomaaliya ee ay wataan shacabka halkaasi ku dhaqan iyo saameyn ay yeelan karto.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cagjar in wax saameyn ah iyo dhibaato toona lahayn haddii dhulka DDSI lagu qaato astaanta calanka Soomaaliya, isagoona tusaale u soo qaatay magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara oo ka kala tirsan dalalka Itoobiya iyo Ereterea oo calamadooda lagu wato labada magaalo.

“Soomaaliya waa dal aynu jaar nahay wax dhibaato ahna ma lahan in astaantooda la qaato” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalada dalalka geeska Afrika lagu horumarinayo in dadyowgoodu isu gudbaan isla markaana nabad ugu wada noolaadaan.

Madaxweyne Cagjar ayaa sheegay in wax diidayaa aanay jirin mar haddii la muujiyay walaalnimada dadyowga Itoobiya iyo Eretrea sidoo kale aanay aanay jirin wax diidaya in la muujiyo walaalnimada shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay madaxweynaha DDSI in xilli uu booqanayay xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah uu arkay gabar yar oo gacanta ku heysata calanka dalka Soomaaliya markii dambena dhulka iska dhigtay.

Dhinaca kale Mustafa Cagjar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay kala dhaxeyso wada shaqeyn, wuxuuna xusay in iyagu ay ka tirsan Dowladda Itoobiya dadka Soomaaliyeedna ay yihiin walaalahooda.