Muqtaar Roobow oo dadaal xoogan loogu jiro sidii xabsiga looga sii deyn lahaa

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday dadaallo xoogan oo loogu jiro sidii lagu deyn lahaa Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo 13-kii bishaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ka soo qabteen magaalada Baydhaba.

Xildhibaano ka soo jeeda degaanada maamulka K/Galbeed Soomaaliya oo dadaaladaasi hormuud ka ah ayaa kulamo la leh madaxda sare ee Dowladda dhexe ee Federaalka, waxaana dadaaladaasi gadaal ka riixaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

AKHRISO WARAR KALE

Wararka ay heleyso shabakadda Somaliweyn ayaa sheegaya in 24-kii saac ee la soo dhaafay kulamo kala duwan oo ka dhacay xarunta Villa Somalia looga hadlayay sidii lagu sii deyn lahaa Muqtaar Roobow oo haatan ku xiran xabsi ku yaala magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo iyana ka soo jeeda gobolada hoos yimaada maamulka K/Galbeed, iyadoo la filayo dadaaladaasi ay ku biiraan madax ka tirsan maamulka ka arrimiya magaalada Baydhaba.

Dhinaca kale Muqtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiintii u tartameysay doorashada xilka Madaxweynaha ee lagu doortay Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo lagu xaglinayay inay wadato Dowladda Federaalka ayaa khilaaf weyn ka dhex abuuray Baarlamaanka iyo xukuumada uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Kheyre, inkasta oo haatan arrimahaasi la xaliyay.

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra
E-mail: saxafi37@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya