Jaaliyada Shabeelaha Hoose oo Ku shirtay Sweden

Shir ay isugu yimaadeen maalinimadii shalay oo ay taariikhdu ku beegnayd 22 Desember 2018, jaaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose ee ku nool wadanka Sweden ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden. Waxaa sidoo kale shirka kasoo qeyb-galay marti-sharaf ka kala timid wadamadda Skandinavianka iyo UK.

Waxaa shirka loogaga hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimadda iyo wada-jirka jaaliyadaha gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan Sweden, guud ahaan qaarada Yurub.

Dhanka kale, waxaa shirka looga hadlay kaalinta jaaliyadda ee ku aadan ka qeybqaadashadda nabadda iyo horumarka gobolka. Waxay kasoo qeyb-galayaashu ay aad ugu dheeraadeen xaaladda murugsdan ee gobolka ka taagan oo ay ugu horeeyaan dhibaatooyinka amni iyo kan bani aadanimo ee ay maanta wajahayayaan dadka reer Shabeelaha Hoose.

Waxay jaaliyddu isla garatay ahmiyada ay leedahay in gargaar lala gaaro dadka ku dhibaataysan gobolka, isla markaana ka codsatay Dowladda Ferderaalka Soomaaliya inay adeegyada bulshadda gaarsiiso gobolka si ay nolosha dadka reer Shabeelaha hoose ee ay dagaalada iyo abaaruhu aafeeyeen ay caadi ugu soo noqoto.

Ugu dambeny, anigoo ku hadlaya magaca aqoonyahanadda gobolka Shabeelaha hoose iyo dhamaan codka jaaliyada Goboloka Shabeelaha Hoose ee kunool wadanka Sweden, waxaan halkaan oogu mahadcelinayaa gudiga qabanqaabada shirka, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Cabdicasiis Cali Maxamed iyo Ismaaciil Mahdi Cali, kaalintii ay ka qaateen qabsoomida shirkani.

Mahadsadiin

Nuur Cabdi Maxamed

Stockholm, Sweden