Ciidamada NISA oo sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen xubin ka tirsan Kooxda Daacish.

Howgal ay sameeyeen Ciidamada Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayey ku sheegeen inay ku soo qabteyn xubin ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in howgal gaar ah oo horay loo sii qorsheeyay inay ku soo qabteen xubintaasi ka tirsan Daacish, iyaga oo xusay in Daacish uu u qaabilsanaa soo tashkiilinta dhalinyarada.

Qoraal ay ku soo baahiyeen NISA bartooda Twiterka ku sheegeen in xubinta Daacish ay soo qabteen 23-ka bishan, balse ma sheegin magaciisa iyo xog intaas dheer oo ku saabsan.

Dhanka kale NISA waxay intaas ku dareen in howgalkaasi aynan cidina wax ku noqon oo uu ahaa howlgal qorsheysan, balse halka ay howlgalkaasi ka fuliyeen ma aysan sheegin.