Bulshada KG ee degan Boosaaso oo taageero aan caadi aheyn u sameeyay Laftagareen + Sawirro

Waxaa sii kordhaya taageerada madaxweynaha cusub ee dowlad goboleed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ku guuleystay doorasho muran badan ka dhashay oo ka dhacday magaalada Baydhaba.

Munaasabad lagu taageerayey Magaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed laftagareen isla markaana ay kasoo qeyb-galeen duubabka dhaqanka beelaha daga deegaanada Koonfur galbeed ganacsato dhalanyaro iyo haween ayaa habeenimadii xaley lagu qabtey magaalada Boosaaso.

Waxagaradka dhalinyarada, ganacsatada ,haweenka iyo qeybihii kala duwanaaa ee kasoo qeyb galay munaasabada ayaa hadalo isugu jira soo dhaweyn iyo dardaaran u jeediyay madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iaygoona alle uga baryay in uu la garab galo xilka culus ee loo igmaday.

WARARKA KALE EE KOOFUR GALBEED

Madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa ay ugu baaqeen in uu ka shaqeeyo samatabixinta dadka reer Koonfur galbeed iyadoona ay sheegeen in Cabdicasiis Xasan Laftagareen uu yahay masuul horey loosoo tijaabiyay oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowlada dhexe ee dalka isla markaana og duruufaha ay ku sugan yihiin dadka reer Koonfur galbeed.

Dhankiisa madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay CabdiCasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa intii ay socotay munaasabadda khadka taleefanka uga qeyb galay isagoona mahadcelin balaaran u jeediyay shacabkii soo dhaweeyay ee muujiyay taageerada ay u hayaan madaxdooda.

19-kii bishan ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo uu ku guuleystay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo haatan noqday madaxweynihii labaad ee uu yeesho maamulka Koonfur galbeed tan iyo intii la aas aasay maamulkan.

Dhinaca kale bulshada ku dhaqan gobolada Bay, Bakool iyo Sh/hoose oo maamulka Koofur Galbeed ka arrimiyo bulshada ku dhaqan ayaan weli si buuxda u muujin taageeradooda ku aadan Madaxweyne Laftagareen, iyadoo inta badan shacabka ku dhaqan goboladaasi si weyn uga caroodeen xarigii dowladda federaalka u geysatay Muqtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta la tartameysay madaxweynaha cusub.

Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya