XIL. ODOWAA: “Haddii aan la laabanay mooshinka madaxweynaha micnaheedu ma aha inuu fashilmay”

Kaddib markii la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay guddoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowladda dhexe ee Federaalka ah isla markaana la laalay mooshin ka dhan ahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada soo gudbiyay waxay sheegeen inuu tanaasuleen duruufta dalka ka jirta.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay xildhibaanada mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kulankaasi oo ay uga arrinsanayeen tallaabooyin kale oo ay ku soo nooleynayaan mooshinkaasi iyo inay ka doodaan ajandayaal kale.

C/raxmaan Maxamed Xuseen oo ah xildhibaanka ugu da’da yar mudanayaasha mucaaradka Dowladda Federaalka ayaa khudbad uu halkaasi ka jeedinayay waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobada ay ku eedeeyeen Madaxweynaha, isagoona beeniyay warar laga faafiyay markii ay ka laabteen mooshinkooda.

“Haddii aan la laabanay mooshinka madaxweynaha taasi micnaheedu ma aha inuu fashilmay” ayuu yiri C/raxmaan Odowaa oo ka mid ah garabka Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo xukuumadiisa uu ka soo noqday Wasiirka arrimaha gudaha.

Arrimaha ugu culus ee uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ahaa dhiibistii Qalbidhagax, faragelinta dowlad goboleedyada, xiritaanka Muqtaar Roobow iyo falal kale, isagoona sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ay wadaan ku takri fal awoodeed.

“Madaxweynuhu wuxuu weeraray guriga C/raxmaan C.Shakuur, isagoo soo afduubtay Muqtaar Roobow oo uu isagu siiyay Baasaboor Diblomasi ah, Baydhabana ugu diray gaariga aan xabadaha karin, kaddib markii uu ka waayay dantii uu ka lahaa soo xiray” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Odowaa.

Waxaa kale oo uu sheegay Xildhibaanka in markii ugu horeysay la kala diray guddi Baarlamaan, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dambeeyay xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

https://www.youtube.com/watch?v=_MUd1gdYLpo

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Max’ud Nuur (Jabra)
E-mail: saxafi37@gmail.com