Weriye Cawil Dahir oo shalay lagu aasay Muqdisho (Calool xumo ka dhacday qabriga weriyaha)

Magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee shalay waxaa ka dhacay aas loo sameeyay Allaha u naxariistee weriye Cawil Dahir Salaad ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah eheladiisa, kooxo weriyeyaal ah iyo dadweyne fara badan.

Markii la aasay weriyaha ayaa waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay isagoo ilmeynaya madaxa bariga iyo bartamaha Afrika ee Telefishanka Universal C/llaahi Kulmiye Xirsi oo sheegay in weriyaha uu ahaa qof firfircoon isla markaana dadka u gargaara oo jecel nabadda dalkiisa.

“Allaha u naxariisto walaalkeen wuxuu ahaa qof aan jecel nahay, ummadda Soomaaliyeedna Allaha badbaadiyo, xaalad adag ayaa lagu shaqeeyaa” ayuu yiri C/llaahi Kulmiye Xirsi oo sheegay in dalkaan lagu soo duulay.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka dalbay inay u soo duceeyaan dalkooda oo uu sheegay in maalin walba ay sii jiidaan qof ay jecel yihiin, isagoona sheegay in weriye Cawil Dahir uu gacanta ku hayay sidii uu dalka dibadiisa ugu qaadi lahaa gabar yar oo kansar ku dhacay si ay caafimaad u hesho.

Sidoo kale waxaa halkaasi khudbado ka jeediyay goobta uu ka dhacayay aaska weriye Cawil Dahir Salaad, kuwaasi oo iyagu dhammaantood sheegay inaan la dhaafi karin ajasha qofka, hase yeeshee qaraxyada ka dhacaya Muqdisho aanay hakin doonin howlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee Weriye Cawil Dahir Salaad ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday laba qarax oo shalay ka dhacay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale halkaasi naftooda ku waayay shaqsiyaad hormuud u ahaa bulshada iyo shacab kale oo fara badan.