Soomaalaay Wax isu sheeg mise is ceebayn!!

Waayadaan dame waxaa wadamo badan oo qurbaha ah kasoo baxay dad soomaali iyo ajaaniib isugu jira oo wakhti badan geliya ka sheekeynta, raadinta iyo soo qufitaanka waxyaalaha soomaalidu ku liitaan. Bal dadka ajaaniibta ah la garay oo waxaa dhici karta iney ujeedooyin gaar ah leeyihiin. Balse waxaa la yaab leh kuwo aqoonyahan soomaaliyeed sheegta, bulshada iney hormuud u yihiin sheegta, iney wax badan ogyihiin sheegta balse mar walba dhaleeceya soomaalida, jecelna iney ceebaha soomaalida sheegaan. Dadkaas oo khubaro arrimaha soomaalida isku magacaaba ayaa si liidnimo kujirto uga hadla arrimaha soomaalida oo ku sifeeya.

  • Kuwo aan la qabsan karin wadamada ay yimaadeen
  • kuwo leh dhaqan qalafsan oo aan la fahmi karin
  • kuwo aan shaqeysan
  • Kuwo wax qisha ama khiyaana
  • Kuwo aan waxba baran caruurtoduna guul daraystaan
  • Waaldiinta ayey ku sifeeyaan kuwo carurtoda dayaca oo ka seexda, dhaqaalena aan gelin

Ma aha inaan leeyahay yaan la is dhaliilin , yaan wax la isu sheegin balse waxaan leeyahay qaab asluub leh, qaab aan ceebeyn ahayn, qaab aan liidnimo ku jirin aan wax isugu sheegno.Ummaddaha kale bal eega, ma arkaysid ummadd is wada ceebeyneysa oo qoorta isu wada sudhan.

Waxaan ogahay in waalidka soomaalidu boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dadaalaan. Waxaan ogahay iney wax walba oo ay hayeen oo dhaqaale iyo xoog ah ilmaha geliyeen. Waxaan ogahay in waalid badan runtii xanuuno badani aseebeen siddii ay ilmahooda uga fekerayeen ugana murugoonayeen.

Cudurka dhiigkarta, kaadimacaan, hurdo la,aan iyo cudurada maskaxda ayaa ka mid ah cudurada welwelka ka dhasha ee waalid badan ku dhacay.

Waxaan ogahay in dhalinyarada soomaaliyeed intooda badani guul gaareen. Waxaan ogahay in dadka soomaalidu shaqeystaan intooda badani. Waxaan ogahay in aynaan ka liidan ummadaha kale.

Marka khuburada ismagacaabayow! Bilaahi caleykum ka daaya soomaalida xumaanteeda aad buun buuninta ku haysaan.

Waxii khaldan hab loo saxo oo akhlaaq iyo asturitaan ku dheehan tahay baa jira. Balse tusaale ahaan sax maaha in waalidka soomaaliyeed ee habeen iyo maalin ilmihiisa u taagan lagu sifeeyo kuwo guuldaraystay ama aan fahmayn dhaqanka koriinka qurbaha.

Ummaddii isgargaarta ayaa guusha hanata.

Aqoonyahan Cabdirisaaq Xusseen