Qasaaraha qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhaya (Dhageyso taariikhda dadkii ku geeriyooday)

Goobihii ay shalay ka dhaceen labadii qarax ayaa xiran maalintii labaad, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, khubaro cadaan ah oo ka socda Qaramada Midoobay iyo saraakiil sarsare.

Guryo iyo dhismooyin ka dhowaa goobaha ay qaraxyada ka dhaceen ayaa saakay laga helay meydad hor leh, kaddib qaraxa uu tuuray kuwaasi oo intooda badan jirkoodu gogo’ay, waxaana halkaasi soo buux dhaafiyay dadweyne fara badan kuwaasi oo baadi goobaya dad ay ku la’yihiin nolol iyo geeri.

Tirada dadka ku geeriyooday labadii qarax ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa haatan maraya ilaa 30-ruux, halka dadka ku dhaawacmayna ay ka badan yihiin 50-ruux, waxaana goobaha caafimaadka ay sheegayaan in ku dhowaad 10-ruux ay geeriyooday markii isbitaalka la keenay.

Dadka ku geeriyooday qaraxii shalay ka dhacay ka soo horjeedka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre waxaa ka mid ahaa dad iyagu si weyn uga dhex muuqday bulshada iyo dhallinyaro hami weyn ka lahaa nolosha isla markaana ka shaqeynayay howlo waxtar u leh bulshada.

LA SOCO WARAR KALE

Weriye Cawil Dahir Salaad oo ka tirsanaa madaxda telefishanka Universal ayaa ka mid ahaa shaqsiyaad magac weyn ku lahaa bulshada dhexdeeda isla markaana dalka dib ugu soo laabtay si uu mihnadiisa saxaafadeed ugu dadka iyo dalka.

Dhageyso

Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: saxafi37@gmail.com