Qarax goor dhow ka dhacay meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha magaalada Jowhar.

Wararka naga soo gaaray Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowlada federaalka soomaaliya lagu qarxiyay wadada aada garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.

Qaraxa ayay wararku sheegayaan in laga maqlaayay Dhawaqa qaraxaasi xaafadaha ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jowhar.

Al-Shabaab ayaa Warbaahinteeda Baahisay in qaraxa ka dhacay Magaalada Jowhar lagu dilay afar askari oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya, halka lix kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale ma jiro Warar madax banaan oo xaqiijinaya warka ka soo baxay Al-Shabaab, sidoo kale weli kama aysan hadlin Maamulka Jowhar.