Midowga Afrika oo AMISOM u ansixinaya xoreynta gobol ay buuxda u maamulaan Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab oo ka dagaalama qeybo ka tirsan gobolada dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa weeraro kala duwan waxa uu ku qaadaa goobaha waxbarashada, saldhigyada ciidamada iyo qaraxyo uu la beegsado dhammaanba fariisimaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ansixiyay qorshahae howlgal cusub oo ciiddanka AMISOM ku qaadaan gobolka Jubada Dhexe oo ay si buuxda u maamulo ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh urur weynaha Al-Qacida.

Qorshaha howlgalka Ciiddanka AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa bilaabanaya horaanta sannadka soo socda, waxaana howlgalkaasi qeyb ka ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.

Afhayeenka AMISOM, Kolonel Richard Omwega waxa uu sheegay in Hawlgalka cusub qeyb ka yahay qorshaha xilliga KMG ee Somalia ee lagu doonayo in lagu wareejiyo mas’uuliyadda Ammaanka Somalia iyagoona guulo ka soo hooyay howlgalka ay ku joogaan Soomaaliya.