Maraykanka “Intii awoodayada ah waxaan samaynaynaa inaanu xoojinno dalwada Somalia dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba..”

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka u qaabilsan arimaha Afrika danjire Tibor Nagy ayaa cadeeyay taageerada buuxda ee dowladda Maraykanku la garab taagan tahay dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Tibor Nagy oo shir jaraa’id ku qabtay Washington ayaa si cad hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Soomaaliya wuxuuna yiri “ Wada jirka dhul ahaaneed ee dalka Soomaaliya waa arin muhiim u ah Midowga Afrika.

Maraykanku wuxuu la dhaqmayaa dawladda federalka ee Soomaaliya ee xarunteedu tahay Muqdisho, Waxaanu intii awoodayada ah samaynaynaa inaanu xoojinno dalwaddaas dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, Waqtigaan siyaasadda Maraykanku waa inay si toos ah ula dhaqanto dawladda Federaalka ee Soomaaliya.”

Hadalkaan kaaliyaha xoghayaha Arimaha dibadda ee maraykanka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan dowladda maraykanku ku dhawaaqay inay Soomaaliya ugu deeqday lacag ku dhow hal bilyan oo dollar.

Dhanka kale Soomaaliya iyo Maraykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo saaxiibtinimo, waxayna dowladda Maraykanku safka hore kaga jirtaa dalalka saaxiibada ah ee aad u daneeya arimaha Soomaaliya.