Madaxweyne K/Xigeenka Puntland oo si kulul uga jawaabay eedeymo horay loogu jeediyay

Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey) madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa si kulul uga hadlay eedeymo ku aadan inuu xiriir la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uga imaanayay Madaxweynihii C/Weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne K/Xigeen Camey ayaa sheegay in madaxda Puntland ay doonayaan in ay Shacabka ka gadaan inuu taageersan dowladda dhexe uuna Puntland kasoo horjeedo, wuxuuna sheegay in sababtii Puntland loo Aasay ay aheyd in ay taageerto dowladda dhexe.

Waxaa kale oo uu sheegay in markii uu taageeradda u fidiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu magacyadooda kaliya uu yaqaanay magacyadooda ,laakiin uusan jirin xiriir ka dhaxeeyay oo ku aadana wada shaqeyn hoose.

LA SOCO WARAR KALE

C/Xakiim Camey ayaa dafiray in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay siiso dhaqaalle si uu kaga horjeeddo Madaxweyne Gaas markii la aasaasayay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Ugu dambeyntii Camey ayaa mar labaad ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan Xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Sideeda Bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.