Khilaafka u dhaxeeya Axmed Madoobe & baarlamaanka Jubaland oo sii kordhay

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhaxeeya maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Golaha Baarlamaanka maamulka Jubaland, iyadoo arrimaha ugu waaweyn ee la isku heysto ay ka mid yihiin meel marinta sharciyo uu maamulku doonayo inuu marsiiyo Baarlamaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in loo hanjabay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubaland, kuwaasi oo qaarkood ka cararay magaalada Kismaayo soona gaaray magaalada Muqdisho.

Haweeney ka tirsan xildhibaanada Jubaland ee Muqdisho ka degay oo lagu magacaabo Khadiijo Aadan Cabdi ayaa warbaahinta gudaha waxay u sheegtay inay nafteeda u baqday, kaddib markii maamulka Axmed Madoobe ay ka soo gaartay hanjabaado lagu baqdin gelinayo.

Xildhibaan Khadiijo ayaa tilmaantay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu yahay keli talis doonaya inuu ku maamulo degaanada Jubaland, iyadoo ku eedeysay inuu maroorsanayo awooda Baarlamaanka u leeyahay inuu guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Wararka waxay intaasi raacinayaan in ilaa sadde xildhibaan ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kaddib markii loo caga jugleeyay ayna isaga soo carareen magaalada Kismaayo inkasta oo ayna saxaafadda la hadlin.

Dhinaca kale khilaafka sii ballaaranaya ee maalinba maalinta u dhaxeysa ku sii kordhaya maamulka madaxweyne Axmed Madoobe iyo Golaha Baarlamaanka ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee Kismaayo ka jirta ay tahay mid dhabaha u xaareysa burbur ku yimaada hannaankii dowlad goboleed ee Jubaland.