Gud. Mursal oo baaq degdeg ah u diray shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee kooxda Al-Shabaab ay shalay ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater) wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay in Naxariistii jano uu ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo, sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee kooxaha nabad diidka ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka, dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhamaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay hay’adaha amaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga dhagaraha kooxaha Argagixisada ah ay la damacsanyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha Amaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka kooxdan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka Amaanka si looga adkaado kooxaha nabad diidka ah ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.