Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaallo la isku soo noqday ku dhex maray Gedo

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelcadde oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal aan waxba la iskula harin uu dhex maray dagaalyahano ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo ururka Daacish.

Dagaalkii igu horeeyay ayaa yimid kaddib markii xalay saq dhexe maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo kooxda Daacish ay ku lahaayeen degmada Ceelcadde, halkaasi oo uu ka dhacay qasaare u badnaa dhinacyada dagaalamay.

Shacabka degan goobta ay ku dagaalameen labada maleeshiyo ayaa iyagoo qarinaya magacooda waxay warbaahinta gudaha uga warbixiyeen xaaladihii ugu dambeeyay iyo saameynta ay dagaaladaasi ku yeesheen.

Waxa ay sheegeen inay cabsi soo food saartay kaddib markii halkaasi uu ka dhacay dagaal la isku soo noqday gelinkii dambe ee maanta, kaddib markii kooxda Daacish markooda weerar ku qaadeen Al-Shabaabkii weeraray fariisinkii ay ku lahaayeen degmada Ceelcadde.

Ilaa iyo iminka lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka Gedo ku dhex maray Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo labada dhinac ay soo gaarayaan gurmadyo isugu jira ciidamo, hub iyo gaadiidka dagaalka.

Dhinaca kale dagaalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli toddobaadkaan afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) uu ku dhawaaqay dagaal ay la gelayaan kooxda Daacish oo uu sheegay inay tafaraaruq ka dhex waddo kooxdooda isla markaana uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u lahaayeen Daacish-ta Soomaaliya.

Sidoo kale ururka Daacish war uu soo saaray laba toddobaad kahor ayuu ku sheegay inay dileen 14 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana goobaha ay maamulaan labadaan kooxood ee gudaha dalka Soomaaliya ka dhacay dagaallo iyo is ugaarsiga xubnaha iyaga ka tirsan.