Weriye Cawil Daahir Salaad oo ku geeriyooday qaraxyada Muqdisho ka dhacay

Allaha u naxariistee Weriye Cawil Daahir Salaad oo ahaa madaxa telefishanka Universal ayaa saakay ku geeriyooday qaraxyadii is xigay ee Muqdisho ka dhacay.

Gaarigii ugu horeeyay ee walxaha lagu soo raray oo ku qarxay ka sii horjeedka Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Tiyaatar ayaa waxaa haleelay gaari uu saarnaa Allaha u naxariistee Cawil Daahir.

Sidoo kale waxaa gaariga uu saarnaa Cawil ku geeriyooday darawalkiisa iyo laba ka mid ah ilaaladiisa, iyadoo uu isa soo tarayo qasaaraha ay geysteen ilaa laba qarax oo iska daba dhacay daqiiqado kaddib.

Allaha u naxariistee Weriye Cawil Daahir Salaad oo si weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku noolaa dalka Ingiriiska ee dib ugu soo laabtay dalkooda.

Noloshiisa inta badan waxa uu ka shaqeynayay howlaha Saxaafadda, isagoona warbaahino dhowr ah horay uga soo shaqeeyay isla markaana ahaa qoraa la soo shaqeeyay wargeysyo Muqdisho ka howlgala.