DEGDEG: Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay

Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa qarax gooe dhow ka dhacay ka soo horjeeda Tiyaatarka Qaranka, waxaana daqiiqado kaddib halkaasi soo galay qof isku soo xiray walxaha qarax.

Qaraxaan labaad ayaa la sheegayaa inuu ku qarxay goob ay ku xoonsanaayeen dadweyne fara badan kuwaasi oo iyagu gurmad u sameynayay dadkii ku dhaawacmay qaraxii hore.

Wararka ayaa waxay intaasi raacinayaan inuu sii kordhay qasaaraha ka dhashay qaraxyadii saakay ka dhacay halkaasi, iyadoo ciidamada nabadgelyada ay bilaabeen inay dadweynaha ka horjoogsadaan goobaha ay qaraxyada ka dhaceen.

Ilaa iyo iminka ma jirto weerarada qaraxyada ah ee saakay lagu qaaday magaalada Muqdisho cid sheegatay, hase yeeshee ururka Al-Shabaab oo isagu sheegan jiray falalka noocaan ilaa iyo hadda wax war ah sooma saarin.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.