DEGDEG: Gaari miineysan oo goor dhow ku qarxay agagaaraha Villa Somalia

Qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlayay qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa goor ku qarxay xarunta tiyaatarka Qaranka oo u dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Wararka hordhaca ah ee aanu ka heleyno halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegaya in durba halkaasi ay gaareen ciidamada Dowladda iyo gaadiidka gurmadka Ambalaasyada ah.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray gebi ahaanba nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona bilaabay inay halkaasi ka qaadaan dadkii ku dhaawacmay.

Qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaan la ogeyn ilaa iyo iminka, hase yeeshee waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo bar kontrol u yiilay halka uu qaraxa ka dhacay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Somaliweyn.org