Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay gobolka Hiiraan (Dhageyso Gud. Maxaas)

Waxaa saakay degan xaaladda degaano ka tirsan gobolla Hiiraan, kaddib markii shalay ay ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo dhex maray beelo ood wadaag ah, inkasta oo maleeshiyooyinkii dagaalamayay ay ku sugan goobihii uu iska hor imaadka ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Maxamed Cabdi Cawaale oo u waramayay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa ka warbixiyay sida xaaladdu tahay, qasaaraha ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo dagaalkaasi.

Waxa uu sheegay in dagaalka ay ku geeriyoodeen 15-ruux isla markaana ay ku dhaawacmeen in ka badan 30-qof oo ka soo kala jeeda labada dhinaca, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa loo kala qaaday degmooyinka Baladweyne iyo Guriceel.

“Dagaalkaan ma aheyn mid ku talo gal ah, hase yeeshee waxa uu ahaa mid u dhaxeeya beelo walaalo ah, waxaana ku baaqayaa in dowladda, maamulka Hirshabelle iyo waxgaradka u istaagaan sidii loo baajin lahaa” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Maxaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in dagaalka uu dhex maray dad xoolo dhaqato ah oo soo naq raacay kuwaasi oo horay aanooyin xalintooda lagu guda jiray, hase yeeshee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah gobolada ay ka dhacaan dagaalada ugu qasaaraha badan ee ay isu geystaan beelaha walaalaha ah.

Dhageyso codka