Ciidamada NISA oo sheegay inay gacanta ku dhigeen hoggaamiyihii qaraxyada mataanaha ahaa ee Muqdisho

Ciidamada Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war degdeg ah oo ay ka soo saareen qaraxyadii mataanaha ahaa ee saakay Muqdisho ka dhacay waxay ku sheegeen inay gacanta ku dhigeen ninkii hoggaaminayay qaraxyadaasi.

Hay’adda NISA war ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka kuma sheegin magaca ninkaasi, hase yeeshee waxay ku caddeysay in ninkaan uu ahaa darawalka gaarigii labaad kaasi oo qarxay kaddib markii ay ciidamada qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxay qoraalkooda ku sheegeen in qorshaha kooxihii soo abaabulay qaraxyada Muqdisho uu qorshahoodu ahaa inay la beegsadaan golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Tiyaatar oo maalmahaan uu ka socday ololaha is-xilqaan ee lagu dayactirayay golahaasi.

Dhinaca kale labada qarax oo ka dhacay goob isku dhow ayaa geystay qasaarooyin lixaad leh, iyadoo tirada dadka ku geeriyooday marba marka ka dambeysa sii kordhayaan kaddib markii uu burbur xoog leh gaaray goobo ganacsi oo fara badan.