Arrimihii ugu xasaasinaa Somalia & dalalka deriska ee uu Gudoomiye Cabdulqawi ka jeediyay Jabuuti (Daawo)

Guddoomiyaha maxkamadda adduunka Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qeyb galay madal dhowaan lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti, wuxuuna guddoomiyuhu halkaasi ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo taabaneysa arrimaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ee geeska Afrika.

“Anigu waxaan oran lahaa nabad iyo xasilooni, halka uu saaxibkey Mahdi ka dhawaajiyay in xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeyso nabad iyo nolol” ayuu yiri Garsoore Cabdulqawi oo sheegay in hadaanay xasilooni jirin aanay nabad imaan karin.

Guddoomiye Cabdulqawi Axmed oo faahfaahin ka bixinayay waxyaabihii uu uga hadlay markii loo soo joojiyay inuu khudbad ka jeediyo madal sanadle ah oo uu soo qabanqaabiyay machadka Heritage oo ay isugu yimaadeen aqoono Soomaaliyeed, wufuud ka socota dalalka geeska Afrika qaarkood iyo diblomaasiyiin kala duwan.

Waxa uu sheegay in dalalka geeska Afrika dadyowgoodu isku dhafan yihiin isla markaana loo baahan yahay in dadyogaasi loogu istaago sidii ay ku wada noolaan lahaayeen, isagoona sheegay inayba adag tahay arrintaasi hadaan dhabar adeyg la muujin.

“Qof gaajo heyso way adag tahay sida aad ugu sheegto horumar iwm” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda caalamiga ah ee adduunka Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo sheegay in dalalka geeska Afrika uu saameeyay isbedelka cimilada adduunka ah, taasina ay sababto in dalalkooda ay ka dhacaan abaaro galaafta nolosha qoysaska reer miyiga.

Guddoomiye Cabdulqawi ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Jabuuti sida ay u soo dhoweeyeen wafdigii uu hoggaaminayay, isagoona sheegay inaysan qofna dani ugu jirin kala qoqobka iyo khilaafyada soo kala dhex gala madaxda dowladahaasi.

“Umadaha geeska oo u kala daata sidii tusbax furfurmay qofna dani uguma jirto waxaan taa uga dan leeyahay inuu bato tafaruq, maxaa yeelay hadda ayuu tafaruq ka jiraa dal kasta oo ka mid ah dalalka geeska Afrika” ayuu yiri Garsoore Cabdulqawi.



Waxaa Diyaariyay: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: saxafi37@gmail.com