Maalmahaan, Xamar waxaa Ku soo batay aragtiyo is diidan oo aan fahmi waayay, oo qofba si u daliishanayo, Adigu ma fahamtay?
1-Siyaasiyiinta:
Kuwaa Ku leh: Wiil waal ayaa yiri, Rag wax kasta waan Ku dayay (Wallaaloow) wax uga roonna waan waayay.
Kuwa kale ayaa Ku leh: Sayidkii ayaa yiri, Car Yaan Somali dilin oo xakuma.
Ma Sayidkaa sidaa yiri? ma Wiil waalaa sidaa yiri? Labadooda yaa saxnaa? mise waa been siyaasadda loo daliishanaa? ( F.S: 1aad)
2- Shacabka:
kuwo ayaa leh: Dagaal Maya, Yaan nalooga darin oon Guryaha nalaga dhumin.
Kuwa kale ayaa leh, sida muuqato, dumis waa lama huraan, ee waxaan Ku hureyn horaa loo sameeyaan.
Dhaxdhaxaad:
Ha la iska Samro, duud weynu ma daalee, Saddax ayey mid noqee!
A- in Kursiga ku saaran luguhiisu Ku mudaan oo aad dhiig bax u dhimato.
B- in Kursiga Lugahiisu Bololaan ( duqoobaan) oo uu iska dhaco kaligii.
C- in aad is taagto oo duudkaaga aad fidiso, Kursiguna kaa dhaco. (F.S: 2aad)

Kuwo kale oo aan la Aqoon:
Kuwo aan la Aqoon ayaa leh: waa la Kala adkaaday.
Kuwa kale ayaa ugu Jawaaabaya: Nin careeysan lagama adkaan.
Oday kale ayaa yiri: Kali talis iyo wada talis dhaxdiinaa ayaa Ka hadleeysaan, Laakin, Anniga isticmaar ajnabiya taladii ayaa ii muuqata.
Ar maxaa fadhi Ku dirir iyo Face book wareer dhaxyaal.
Bal adna?
Qore: Yahya Amir