Muuse Biixi iyo Mustafa Cagjar oo markii ugu horysay kulan xuduud ku saabsan ku yeeshay Tog-Wajaale

Madaxweynayaasha maamulada Somaliland Muuse Biixi iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa maanta ku kulmay magaalo xuduudeedka Tog-wajaale, gaar ahaan dhinaca Somaliland.

Shirkan labada madaxweyne ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagaga hadlayey is dhexgalka bulshada, xoojinta amaanka, ganacsiga, maalgashiga iyo sidii deegaanada ku teedsan xaduuda labada dal looga hir gelin lahaa mashaariic horu marineed oo bulshada waxtar u leh.

Labadda madaxweynaba waxa la socday ganacsato shirka kala qaybgashay, waxaanay taasi daliil u tahay in xooga la saarayey arrimaha ganacsiga, maadaama oo Soomaalida Itoobiya iyo Oromadduba ku xidhan yihiin magaalo ganacsiyeedka Wajaale.

Kulankani ay yeesheen labada Madaxweyne oo ahaa kii ugu horeeyay ayaa uu dhamaaday waxay labada madaxweyne u gudbeen Wajaale dhinaceeda Itoobiya, halkaasi oo dadweynuhu ku soo dhoweeyeen isla markaana gacmaha u haatinayeen.

Dawlad goboleedka Soomaalida Itoobiya waxay raaligalin ka bixiyeen hadal dhowaan ka soo baxay oo Somaliland ku eedeeyeen inay dadkii gabood falada ka sameeyey deegaanka ay ku dhuumanayaan Somaliland, isla markaana falal amniga ka dhan ah ka wadaan.

Kulankan oo kale hore umay dhici jirin inuu madaxweyne Somaliland ahi kulan gaar ah la yeesho madaxweyneyaashii soo maray dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, inkasta oo kulanki lagu tilmaamay inuu adkeynayo xiriirka labada maamul.