Mid ka mid ah saddexda gobolka ee K/Galbeed oo ka bilaabatay taageerada Madaxweynaha cusub

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo iyo abaabulka kulamo ay yeelanayaan qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi, waxaana degmooyinka Afgooye, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ka socda kulamo ay leeyihiin waxgaradka, odayaasha, siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada degmooyinkaasi arrimahooda ka shaqeeya.

Guddoom. sh/hoose Maxamed ibraahim Barre ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay ka socdaan kulamo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub C/Casiis Xasan (Laftagareen oo maalintii doraad ahayd lagu doortay magaalada Baydhaba.

“Waxgaradka iyo odayaasha beelaha ku dhaqan gobolka Sh/hoose ayaa ujeedadoodu tahay inay ku taageeraan madaxweynaha, iyagoo ka dalbanaya inuu ka dhabeeyo waxyaabihii uu horay u ballanqaaday oo ahayd inuu ka shaqeynayo xoreynta kooxda Al-Shabaab iyo nabad ka dhacda degaanada K/Galbeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Taageerada shacabka ku dhaqan saddexda ee maamulka K/Galbeed looga muujiyay gobolka Sh/hoose Madaxweynaha cusub ayaa u muuqata mid bilow u ah isbedellada ka dhacay madaxda sare ee maamulkaasi iyo doorashadii muranka ka dhalisay magaalada Baydhaba.

LA SOCO WARAR KALE

Madaxweyne C/Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa maamulkiisa horyaalla arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay sidii uu u kasban lahaa bulshada ku dhaqan gobolada K/Galbeed Soomaaliya.

Waxaa kale oo ka mid ah dalabaadka looga fadhiyo inuu dadaal dheer u galo sidii loo sii deyn lahaa Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran dowladda dhexe ee federaalka kaasi oo ka mid ahaa musharaxiintii isaga kula tartameysay xilka Madaxweynaha iyo arrimo kale.