Mas’uuliyiinta Garsoorkow intii aadan dadka Dambi ku soo oogina, idinku is hubsada=Nasashada Jimcaha.Q-149-aad=

1-Nin xoog badnaa oo Tuulada laga baqi jiray, ayaa maalin isaga oo Suuqa marayo, ayey Harbar duq ahi ku soo booday, waa la is legday Ninkii Dibir xoog leh ayaa ku dhacday dhulkaa la dhigtay.Waxaa lagu yiri: War Ninkaagii xooga weynaa maanta Habaraa ku dibrisay ee sey wax kaa noqdeen.

Wuxuu yiri: Habaru ima dibriseen ee Saddax arrimood ayaa isku key raacday: Meesha oo Simbiririx aheyd, Aniga oo si xun u taagnaa iyo Habrta oo Sindadabyo taqiin. ( F.S: 1aad)

(Koo Qurba joog ah iyo mid Qorax joog ahaa ayaa Cadaado kursi xildhibaan ka wada doontay, kii Qurba jooga ahaa ayaa ku guuleystay. Kii qorax jooga ayaa la weydiiyay, maxaa ku helay, weligaa Cadaado ayaad Joogi jirtay Dadkuna waa ogaayeen in aad wax badan u qabatay, Nin aan weligii Deegaanka imaan siduu kaaga qaaday Kursigii Xildhinaan nimada, wuxuu yiri: igama Qaadeen ee Saddax ayaa isku keey raacday: Dollar soo daatay, Duqeeyda beesha oo aan damiir leheyn iyo Dadka oo aan dantooda aqoon)

2-koo doqon ah ayaa markuu arkay Xubintiisii Tarnka oo taagan, waxa uu tagay Farmashiye, Ninkii farmashiyaha lahaa ayaa galiyay qolka Duriinka, Qaboojiye meesha yiil ayuu Baraf ka soo bixiyay waa uuna ka saar saaray Xubintii, illaa uu qaboogii damiyay, wax uuna ka qaaday $1. Maalintaa kadib Doqnku markii uu wax dareeno waxa uu soo qaadan jiray $1, baraf ayaana laga saari jiray.

Maanlintii Dambe ayaa Ninkii Farmashiyaha lahaa Dibadda u aaday Safar hal bil ah, Xaaskiisii ayuuna uga tagay Farmashiyihii. Waxaa u yimid Doqonkii oo $1 wato, Qolkii qaboojiyuhu yiil ayuuna toos u galay, Haweneydii ayaa ka soo daba gashay isaga oo is qaawiyay, waxa uuna yiri: Barafkii soo bixi. Markii ey fahamtay in Doqonka la siri jiray, ayey iyadiina Dharkii iska siibatay .. Haaheey, Doqonkii oo qeeylinaya ayaa yiri: aaaaa, Barfkiiba ka fiican. Sidaa ayey bil ku daaweyneysay.

Dhakhtarkii ayaa Safarkii ka soo noqday, waxa u yimid Doqonkii, dhakhtarkii oo Qaboojiyaha furaya ayuu Doqonkii ku yiri: Maya Maya, Datoore Surwaalka iska siib. ( F.S: 2aad)

(Waana Halka Soomalidu ka tiraa: waxaase waa Doqon Daba la tusay, Doqon Masuul ahna waa jiri karaa, ee sidaad ula macaamilee iska hubi)

3- Wiil ayaa Gabar Saaxiibtii aheyd oo gurigiisa ku soo booqatay ku yiri: Haddii culeyskaaga 10 kg laga dhimi lahaa jirkaagu Qurux iyo Sexy ayuu noqon lehaa.

Gabadhii ayaa ku tiri: Sabtiga laga bilaabo GYM ayaan tagayaa, markaan isbedelo ayaan kuu soo noqonayaa. Wiilkii ayaa yiri: Maya, ha is dhibin, 10 kg waad iska dhimi kartaa haddaba, dharkaaga ayaaba 10kg ah. ( F.S: 3aad)

( Yaahuuu, ha sirin Muluqda, maandhaay adiguna 4 jilabaab qaado)

4-Nin ayaa Xaaskiisii ku yiri: Maalmahan Suuqa Bakaaraha nabadgalyo xumo ayaa ka jirta, ganacsiguna ma fiicno, dakhligiina waa yaraaday, haddii aad cunta kariska si fiican uu baran leheyd Booyaasta ( Jaariyadda ) waan iska eryi leheyn. ( F.S: 4aad)

Xaaskii ayaa ku tiri: Xabiibii, Adiguna haddii aad si fiican shaqada Sariirta u baran leheyd Darawalka iyo Waardiyaha waan iska eryi leheyn.

(Mas’uuliyiinta Garsoorkoow intii aadan dadka Dambi ku soo oogina, adinku is hubsada)

5- Gabar aad u qurux badan ayaa u timid wiil xoghaye u ahaa wasiirka, madaxa ayey gacanta uga salaaxday, isagiina Dabkii ayaa ka tagay, intii ey madaxa ka xog xogeysay. Waxa ey ku tiri: Wasiirkii ma joogaa? Waxa uu yiri: maya. Haddana Wajiga ayey gacantii uga salaaxday , faraheediina Afka ayey u galisay.

Xoghayihii Damac ayaa galay, Dabkiina waa ka sii tagay. Waxa uu ku yiri: Waan hubaa in uuna 4 saac gudahood imaaneyn wasiirku, mana sugi kartid ee maxaan kuu qabtaa Macaanto. waxa ey ku tiri: waxaan rabay in aan u sheego, Musqusha Haweenka waxaa ka dhamaaday Saabuuntii iyo Warqadihii la isticmaalayay, gacanteeyda ayaana isticmaalnay maanta. ( F.S: 5aad)

( Ar madax salaaxa Itobiya ma iska fiiriseen, Farahooda ma iska Uriseen, mise Dabkiyaa idinka tagay)

6-Koo Reer Gaalkacyo ah ayaa la weydiiyay: Si aad uga badbaado Cudurka Halista ah. Ma qaadataa Cinjirka galmada “Condom”? waxa uu yiri: Haa. Waxa lagu yiri: si uuna kaaga dilaacin maxaad sameysaa?. Waxa uu yiri: baaaaa. Markiiba Labo Xabo ayaan ka dhiganahayaa, dhaxdana Basbaas budo ah ayaan uga shubahayaa, kan kore hadduu dilaaco iyadaa ogaaneyso, kan hoosena aniga. ( F.S: 6aad)

( Siyaasi Gaari Bullet proof ah ku dhax jiro oo Jaako Bullet proof ah wato ayaa la sheegayay, ma reer Gaalkacyaa kula taliyay)

Qore: yahya Amir