Dowladda Turkiga oo ku biirtay dalalka daneeya xeebaha iyo Kalluunka Soomaaliya (Daawo)

Waxaa sii kordhaya dalalka daneeya xeebaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo wufuud kala duwan u soo diray dalka si ay ugala xaajoodaan Dowladda Federaalka isla markaana ula galaan heshiisyo ku kacaya dhowr sanadood.

Dowladda Turkiga ayaa iminka ku soo biirtay dalalka sida weyn u daneynaya xeebaha Soomaaliya oo ay dooneyso inay ka fuliso mashaariic la xariirta ka faa’iideysiga kalluunka ku jira badeeda isla markaana uga macaashi laheed warshadeyntiisa.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa xafiiskiisa ku qabilay safiirka cusub ee dowladda Turkiga Mr. Mehmet Yilmaz, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan qorshaha safiirku doonayo.

Markii uu soo gabagaboobay kulankood ayaa Wasiir Bidhaan waxa uu ka warbixiyay kulanka dhex maray isaga iyo safiirka cusub isagoona sheegay in kulanku ahaa isbarasho maadaama safiirka Turkiga uu cusub yahay, isagoona hoosta ka xariiqay in labada dowladood uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah.

“Kulankeena ujeedadiisu tahay inaan ka wadahadalno sidii ay horumar ugu sameyn lahaayeen kalluunkeena” ayuu yiri Wasiir Bidhaan oo sheegay in haddiiba ay iibinayaan kalluunka inay jirin cid ka mudan shacabka iyo dowladda Turkiga oo sida uu sheegay abaal weyn ku leh Soomaalida.

Wasiirka kalluumeysiga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii gargaarka Turkiga loona gudbay waqtigii labada dowladood wax isla qabsan lahaayeen, wuxuuna sheegay inay isku afgarteen dhammaanba waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Dhinaca kale shirkadaha Turkiga oo horay loogu wareejiyay goobaha muhiimka ah ee ilaha dhaqaalaha dalka uu ku tiirsan yahay sida Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa iminka sii ballaarinaya mashaariicda kala duwan ee ay dalka ka wadaan, kuwaasi oo wax faa’iido ah aanay ugu jirin dadka iyo dalka balse ay yihiin kuwo ganacsi oo dhaqaale raadis ah.

Dhowaan ayay ahayd markii Dowladda Soomaaliya ay heshiis la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, kaasi oo ku saabsan sidii ay uga kalluumeysan lahaayeen xeebaha Soomaaliya.

Jabril Maxamuud Nuur (Jabra)
saxafi37@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya