Dowlada Soomaaliya oo si cad u Sheegtay in Kooxda Daacish ay ku soo qul qulayaan gudaha Soomaaliya.

Muqdisho: Xukuumada Soomaaliya ayaa si buuxda u sheegtay in xubno ka tirsan kooxda Daacish ay ku soo qul qulayaan qeybo ka mid ah Magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya.

Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dowlada soomaaliya ay ka war hayso xubnaha Daacish ee ku sugan Gobalada dalka, islamarkaana waxay sheegtay in tilaabo adag ay ka qaadi doonto arintaasi, sidaasi waxaa shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ka sheegay Wasiiru dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ma sheegin Magaalooyinka ay joogaan dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo Kooxda Daacish waxay mudo badan sheegatay mas’uuliyada dilal ka dhacay Gobalada Dalka, sida Gobalka Banaadir, Shabeelaha Hoose, Bari.