Ciidamada Booliska oo isla helay jiibta iyo jaanta kuna gaardinaya ereyo dhiigga ku kicinaya (75-guuro nooc cusub ah) VIDEO

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay dabaaldegga maalinta ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka Disembar 75-guuradii ka soo wareegatay markii la asaasay, iyadoo abaabulka iyo qabanqaabadda munaasabadani ay ka duwan tahay kuwii hore isla markaana lagu dhigay xarunta Stadium Banaadir.

Dabaaldegga maalinta ciidamada Booliska waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka, saraakiisha ciidamada Booliska, wufuud ka socotay dalalka taageera Soomaaliya iyo kumannaan dadweyne ah.

Kumanaan dadweyne ah ayaa markii ugu horeysay ka qeyb galay xuska ciidamada Booliska, kuwaasi oo ka yimid degmooyinka gobolka Banaadir isla markaana iyagoo mashxaradaya sitana calanka Soomaaliya waxay buux dhaafiyeen gudaha garoonka, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo hareeraha Stadium Banadir.

Ciidamada Booliska ayaa halkaasi ku soo bandhigay dhool tus aan caadi aheyn, waxaana iyagoo raxan raxan u socda gaardis ku ekeeyay gudaha garoonka si raxan raxan ah isla markaana si wada jir ah isula helay halku-dhigyo dhiigga kiciyay ka qeyb galayaasha munaasabadaasi.

Ereyadaas oo ah “Diid gumeysiga diid gumeysiga, gala dhufeyskoo cadowga gooya”, hase yeeshee ereyadaasi qiirada wadaniyadeed xambaarsan ayaa sababay in shacabkii daawanayay isla kaceen mar kaliya, iyagoo u muujinaya farxad iyo qadarinta ay u hayaan ciidamada Booliska oo ah hooyada ciidamada dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo halkaasi ka jeediyay khudbad ku saabsan asaaska ciidamada Booliska ayaa in dowladiisu aanay marnaba dayaceynin Booliska, isla markaana waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyay saraakiil howllo ballaaran ka qabtay taliska ciidamada Booliska.

“Ciidamada Booliska burburkii 1991-kii wixii ka dambeeyay waxay noqdeen hay’adihii dowliga ahaa ee burburay, waxayna u qaxeen sidii Soomaalida qurbo, qaar qaxooti ayay noqdeen, qaarkood waxay dib ugu noqdeen tuulooyinkii ay ka yimaadeen, qaarna waxay ka qeyb qaateen dagaaladii sokeeye” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay marxaladihii ay soo maray ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay in Soomaalida ay sheegaan waxa xun oo aan fiicneyn, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Boolisku leeyihiin halyeeyo ilaaliyay qaranimada dalka Soomaaliya una soo dhabar adeygay.

Diyaariye: Jabril M. Nuur
saxafi37@gmail.com
Muqdisho – Soomaaliya