Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ay la galeyso Daacish-ta Soomaaliya “Wax badan ayaan indhaha ka laabanay dhibaatada ay kooxdaasi”

Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka u dhaxeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya oo ku hardamaya awooda kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalada ka wada dalka Soomaaliya, iyagoo weeraro qorsheysan iyo dilal gaadmo ah ay ka fulinayaan goobaha ay maamulaan.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa farriin cod ah oo uu soo saaray waxa uu uga hadlay ururka Daacish-ta Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay inay yihiin koox kala jebinaya dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya, isla markaana ay banneysteen dhiiga Muslimiinta.

“Kooxdaan waxa gaaleysiiyeen Mujaahidiinta iyo bulshada Muslimka ah iyo inay jabiyeen midnimada Mujaahidiinta, talaabooyinkaas oo uu sheegay in ay kala siman yihiin saaxaatka kale ee ay gaartay fitnada kooxda” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab oo sheegay inay wax badan indhaha ka qarsadeen dhibaatada kooxdaas.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in kooxda Daacish ay isku dayayaan dilal qorsheysan iyo dabino ay u maleegayaan ciidamadooda iyo xubnaha iyaga ka tirsan, wuxuuna caddeeyay in kooxda ay gabbaad siisay dad lagu yaqaanay fasaadka iyo dhagaraha.

“Wax badana waan u sabarnay marka laga reebo dhacdooyin kooban oo aan dulmigooda isaga leexineynay anagoo rajo ka qabnay in ay dib u xisaabtamaan kana soo laabtaan wadada baadida ah” ayuu mar kale Cali Dheere oo sheegay in sabarkooda ay ka sii qaadeen madax adeyg.

WARAR KALE

Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhanka ah iyaga kooxda Daacish ee ay wadaan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midwga Afrika, isla markaana laga duqeeyay xarumo ay ku lahaayeen gobolada dalka qaarkood.

Ururka Daacish ayaa dhowaan sheegay in 14 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab inay ku dileen gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo afhayeenka Al-Shabaab hadalkiisaan u muuqdo mid jawaab u ah.

DHAGEYSO