Xog ku saabsan mooshinkii la laalay ee Madaxweynaha laga gudbiyay (Akhriso Wareegto cusub)

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa goor dhow soo saaray wareegto ka kooban laba bog, wuxuuna uga hadlay arrimo fara badan oo ku saabsan mooshinka la laalay ee horay looga gudbiyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in sababaha looga laabtay mooshinka ay ka mid tahay maxkamad dastuuri ah oo sare inaanu dalka ka jirin, wuxuuna guddiga arrimaha diinta iyo owqaafta ka dalbaday inay si degdeg ah ula howlgalaan Wasiirka Cadaaladda si loo sharciga lr.23.

Guddoomiye Mursal ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu u mahad celinayo dhammaanba xildhibaanadii ka qeyb qaatay iyo kuwii ka tanaasulay mooshinka iyagoo u hiilinaya xaaladda dalka ka jirta.

Marka la eego xukuumadda Federaalka hay’adaheeda kala duwan ayaa waxaa saameyn xoogan uu ku yeeshay khilaafka dhex maray hoggaankeeda, waana markii ugu horeysay oo madaxda khilaafyadooda ku xaliyaan qaab wadahadal, halka dowladihii horay dalka u soo maray xilliyada ay is khilaafaan beesha caalamka faragelin jirtay.