Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo oo dib uga laabtay

Wararka naga soo gaaraya xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo ay ka laabteen, waxaana la filayaa in saacado kaddib caawa kulan gaar ah ay yeeshaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaanada ka laabtay mooshinka ayaa sheegay in markii ay eegeen xaaladda dalka uu ku jiro darteed ay dib uga laabteen mooshinkaasi oo gacanta uu ku hayay Guddoomiye Mursal oo isagu door weyn ku lahaa dib uga laabashada.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii maalmahaan ay Muqdisho ka socdeen dadaallo lagu xalnayo khilaafyada siyaasadeed ee hareeyay Baarlamaanka iyo madaxtooyada taasi oo sababtay inuu hakad ku yimaado Golaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulan uu la yeeshay Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxay isku afgarteen in la laalo gebi ahaanba mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga keenay.