Xildhibaan Fiqi oo ka carooday faafin lagu sameeyay sawir uu la galay Ra’iisal Wasaare Kheyre

Xilhibaan Axmed Macallim Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay sawir qaadayaasha Ra’iisal Wasaare Kheyre, isagoona sheegay inay baraha bulshada ku faafiyeen sawir uu la taagan yahay Ra’iisal Wasaaraha xilli ay ku sugnaayeen Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

“Cida kaliya ee sawirka iga qaaday waa sawir qaadayaasha Ra’iisal Wasaaraha, waxaana ka xumahay in sawiro hore dadka loogu ekeysiy kuwo cusub” ayuu yiri xildhibaan Fiqi oo sheegay inuusan kala garan karin faa’iidada ay ka helayaan.

Axmed Macallim Fiqi Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada ugu cadcad ee mooshinka buray ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in asxaab fara badan ay la soo xiriireen sawirka internet-ka la geliyay awgiis.

WARAR KALE

Baraha Internet-ka ee ay iticmaalaan Soomaalida sida twitter iyo Facebook ayaa iyagu si aad ah u isticmaalayay sawirka Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Fiqi oo dhoola caddeynaya, waxayna tallaabadani ku soo beegmeysaa xilli isaga saaxibadiisa Baarlamaanka ay ku guul darreysteen inay ridaan Madaxweyne Farmaajo.