Mooyaale oo degan kaddib markii ciidamada federaalka Itoobiya ay cagta mariyeen kooxo hubeysan

Wararka naga soo gaaraya degmada Mooyaale oo ka tirsan dalka Itoobiya ayaa sheegaya inay degan tahay labadii maalmood ee la soo dhaafay, kaddib markii halkaasi dagaallo qasaare geystay ay ku dhex mareen qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Ciidamo ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa weerar ku qaaday hotel ay ku shirayeen kooxo hubeysan oo iyagu qeyb ka ahaa dagaallada halkaasi ka socda, waxaana la sheegayaa inay halkaasi ku dileen ku dhowaad toban ka tirsan maleeshiyadii halkaasi ku sugneyd.

Wararku waxay intaasi ku darayaan inay socdaan dadaallo nabadeed oo la isugu keenayo waxgaradka iyo odayaasha ka soo jeeda Soomaalida iyo Oromada si loo qaboojiyo xiisadaha ka dhashay dhulalka.

Dhinaca kale is qabqabsiga dhinaca dhulka ee u dhaxeeya labada qowmiyadood ayaa u muuqda mid maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidaya guud ahaan degaanada dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisal Wasaare Aby Axmed, waxayna xiisadaas saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee labada qowmiyadood.