Maxaad ka taqaan Beelaha Digil iyo Mirifle.


Digil iyo Mirifle waa qowmiyada ugu tirada badan ee degta gobolada Shabeelada hoose, Bay iyo Bakool sidoo kale waxey wax ka degaan gobolada Jubada/dhaxe iyo hoose iyo Gedo.

Abka Digil wuxuu ahaa nin Carab ah oo ka yimid Jasiiradda Carabta wuxuu ka soo degay baa la yiraahdaa deexda gacanka Taajuura (Jabuuti). Ninkaas wuxuu magaciisu ahaa Cumar Diini ama Goobroon, halkaas ayuu ku guursadey kuna tarmey kadib beesha Digil waxey u soo guurtey dhanka koonfureed, waxeyna mudo ku hakatey deegaanka Harar oo haatan deegaankaasi weli ay ku noolyihiin dad ku abtirsada beelaha Digil waxaana kamid ah beelaha Dabare, Dube iyo reer Cusmaan. Gobolka Harrage waxaa laga helaa rug la yiraahdo Harradigil waxeyna rugtaa ku taallaa deegaanka u dhaxeeya Dhagaxbuur iyo Qabridaharre.

Beelaha Digil waxaa markii hore ka koobnayd Todobada Aw Digil waxeyna kala ahaayeen Maxamed ( Reewin), Jiiddu, Tunni, Garre, Dabarre, Cusmaan iyo Digiin

Labada danbe faracooda wuxuu ku harey Soomaali Galbeed kaalintoodana waxaa galey beelaha Bagadi, Galedi iyo Shanta Caleemood oo asalkoodu ka soo jeedo Mirifle wayna isku toloobeen.

Mirifle wuxuu ka mid ahaa Todobada Aw Digil waxaana magaciisu hore ahaa Maxamed ( Reewin) kadib markii faraciisu aad u tarmeen ayey noqdeen beel gooni u taagan waxey u kala baxaan Sideed iyo Sagaal. Sideeda waxaa ka baxa beelaha kala ah: Yantaar, Disow, Laysaan, Maallan Wiine, Eelaay, Jirroon, Hariin, Qoomaal (Haraw). Sagaal waxaa ka baxa: Gasaargude, Hadame, Luwaay, Jilible, Geelidle, Sarmo iyo Kasanle.

Qabiillada Digil marka laga reebo Dabare waxey degaan inta badan gobolka Sh/hoose waxeyna ku hadlaan lahjad ka duwan kan Maay oo ay ku hadlaan Mirifluhu.

Beelaha Digil waxey u kala baxaan (Jiiddu, Dabarre, Tunni, Garre, Galedi, Bagedi iyo Shanta Caleemood). Jiiddu waxey leedahay lahjad u gaar ah waxeyna u kala baxaan ( Udub iyo Afaaf). Beesha Dabarre waxey leeyihiin iyaguna lahjad u gaar ah oo ka duwan kan Maayga waxey degaan inta badan degmada Diinsoor waxeyna u kala baxaan Yeeraan iyo Dirmadow. Shanta Caleemood waa beelo isu tagey oo toloobey waxeyna kala yihiin (Indho, Hubeer, Heefmuge, Barbaar iyo Jambaluul). Tunnidu waxey iyaguna u kala baxaan Shanta Tunni Baraawe iyo Shanta Tunni Toore iyaguna waxey ku hadlaan lahjad u gaar ah. Garre wuxuu u kala baxaa Tuuf iyo Quraanyow. Beesha Galedi oo degta degmada Afgooye waxey u kala baxaan Deegaan iyo Dhiig sida magaca ka garanayso waa dad iyaguna toloobey. Bagadi waxey u kala baxaan ( Quraawane, Quriile, Abaa Jibil, Abaa Sacad , Abaa Abaa, Jeedo, Hubsane, Haamaale iyo Maatire).

F.G: Qoraalkan inta badan waxaan ka Soo xigtey buuga Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed ( Cabdalla Mansuur) . WQ Ilyas Mohamud Hussein