Mas’uuliyiintii degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi oo xilka laga qaaday (Akhriso wareegtada)

Guddoomiyeyaashii Degmooyinka Buuloburte iyo Jalalaqsi ayaa xilka laga qaaday kaddib markii wareegto ka soo baxday xafiiska Wasaaradda arrimaha maamulka Hirshabelle oo uu ku saxiixnaa Wasiirkeeda Maxamed Cali Caadle.

Isla Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay laba Guddoomiye cusub oo lagu kala magacaabo Cabdicasiis C/llaahi Cabdi Guddoomiyaha degmada Buuloburde, halka degmada Jalalaqsina loo magacaabay inuu guddoomiye u noqdo Maxamed Nuur Cagajoof.

Dhinaca kale xil ka qaadista maamulka Hirshabelle uu ku sameeyay labada degmo oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan madaxtoyada looga arrimo maamulka ee magaalada Jowhar uu beeniyay wareegtooyin been abuur ah oo xilka looga qaaday Guddoomiyaha gobolka Hiiraan.