Ar ciyaal Maama Malyuunaa!!!

Waxaan Baraha Bulshada Ku arki jiray Haweeney la yiraa: Mama Malyuun oo Dharkii dhaqanka wata, kadibna iyada oo dhar Xijaab ah wadato, kadib iyada oo madaxii feeydatay, kadibna iyada oo Timihii xiiratay oo leh Diintiiba waan Ka baxay ( Allahuma Najinaa) Maamada waxaa waalay Ciyaal Baraha Bulshada Ku wareeriyay.

Hadda, Ciyaalkii Maama Malyuun oo la soo jaheeyay ayaan arkay iyaga oo FB-geyga shaqa looga dhigay, Sida Ciyaal Faay Caligii Wadajir.

Wallaalayaal Ciyaal Maama Malyuun, ha isku dayina in aad arragtideya wax Ka bedeshaan, waan idin soo dhawynaa, (( Arragtidiina iyo Qaraabkiina xur ayaad u tihiin)).

Waan ogahay in ciddii idinka feker duwan in aad u taqaaniin MUCAARAD. Adinkuna aad isku taqaaniin MUXAAFAD , Laakin labadaba mabaadii’ aan uga mid naqdo ugama jeedo.

Waxaa jirta falsafad leh ( qofkii isku daya in uu Dadka oo dhan qanciyo waa fashilmay),waxaan Ka baqayaa in akhlaaq xumo aad Ku barbaartiin.waxaan ALLA idiinkaga baryayaa in uu Jidka wanaagsan idinku hanuuniyo.

Jaaw, kooxda Ciyaal Maama Malyuun ee FB.

FG: Mama Malyuun ha iga raali ahaato,haddii aan Ciyaalkaan ugu hal qabsaday.

Qore: Yahya Amir