Xisbiyada siyaasadda oo farriin muhiim ah loo diray (Dhageyso)

Iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda ee isku diyaarinaya doorashooyinka dadweynaha ee la filayo inay sanadka 22-ka ka dhacdo dalka, ayaa waxaa muuqata in tirada xisbiyada ay xadka dhaaftay.

Ku dhowaad 40-xisbi ayaa olole xoogan ugu jira inay u tartaman hoggaanka ugu sareeya dalka, iyadoo guddiga doorashooyinka ay sheegeen qaarkood xisbiyada qaarkood aanay buuxin shuruudaha ka qeyb galka doorashada, balse xisbi ahaan loo diiwaan geliyay.

Ra’iisal Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka mid ah mas’uuliyiinta u ololeyneysa inay mar kale xil ka qabtaan dalka ayaa farriin muhiim ah u diray siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada dalka looga baahan yahay inay la yimaadaan siyaasad degan oo dadka iyo dalka xal u noqon kara.

“Nin walba wuxuu haminayaa inuu qabto hoggaanka dalka, hade inaan kubd ciyaaro ayaan rabaa isbartiibadina waa duminaa, garsoorayaashina waa dilaa, shacabki daawan lahaana waan leynaa ma shaqeyneysaa?” ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi oo ku booriyay muwaadinki doonaya xil inuu ku raadsado si dimoqoraadiyad ah.

Ra’iisal Wasaarihii dowladdii AUN Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa kale oo uu kula taliyay siyaasiyiinta haatan mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya inay sugaan madaxda haatan xilka heysa isla markaana ay ka shaqeeyaan inay kasbadaan shacabka.

Dhinaca kale Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku celceliyay in dalka mar haddii uu ka baxay Dowladda KMG isla markaana ay dhalatay dowlad rasmi ah oo haatan talada dalka heysa, wuxuuna sheegay in qaabka ay ku timid dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ka duwan tahay doorashada soo socota.

“Xisbi kalsooni shacab ayuu ku raadsadaa, miyaan aqbaleynaa xisbi xabbad wax ku raadinaya?” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo guud ahaan Soomaalida ku booriyay inay arrintaas ka waantoobaan.

Waxaa Diyaariyay:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Emai: saxafi37@gmail.com