Prof. Geedi: “Dowlad iyo shacab is wata laguma aadee haka waantoobaan kuwa dhahaya kacdoon halla sameeyo”

Prof. Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay kulan looga hadlayay xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda hay’adaha ugu sareeya Dowladda Federaalka, farriin adag u diray kooxaha mucaaradka ah.

Waxa uu sheegay in si loo helo dowladnimo dhib farabadan iyo tuugmo loosoo maray hayeeshee hadda kadib aan la geli doonin tuugmo oo xoog lagu keeni doono.

“Waxaan maalmahan maqlaayay kacdoon hala sameeyo, jidadka hala xiro, Xaafadaha qaar hala qabsado, dadka waxaas ku hadaaqaya waxaa la rabaa inay ka waantoobaan hadii kale dowlad iyo Shacab laguma aadee Guriga ayaa loogu tegayaa ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Isagoo ka hadlayay xilligii uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya, waxaana uu sheegay in lagu yiri Buundooyinka Afgooye iyo Balcad hasoo dhaafin ee nala xaajoo kuwii xilligaas dhahayna ay ahaayeen Soomaali sida uu sheegay.

Dhinaca kae hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka sheegay Kulan looga soo horjeeday Mooshinka Madaxweyne Farmaajo oo ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka oo Muqdisho lagu qabtay.

Sidoo kale xubnihii halkaas ka hadlay oo isugu jira bulshada Muqdisho qeybaheeda kala duwan ayaa iyagu waxay siyaabo kala duwan uga hadleen xiisadaha siyaasadeed ee soo wajahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna baaq u direen dhammaanba hoggaamiyeyaasha ku lugta leh siyaasadda inay u turaan dalka iyo dadka.

Halkan ka Daawo

Cali Maxamed Geedi “ 28 sano ka dib muqdisho waxaa jooga Rag doonaya in isbaaro ay dhigtaan laakiin dowladnimada awood ayaa lagu ilaalinayaa”

Cali Maxamed Geedi “ 28 sano ka dib Muqdisho waxaa jooga rag doonaya in isbaaro ay dhigtaan laakiin dowladnimada awood ayaa lagu ilaalinayaa”

Posted by Abdirizak Atosh on Tuesday, December 18, 2018