Mdaxweynaha Shiinaha oo warqada aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Shiinaha Xi Jinping ayaa waraaqihiisa aqoonsiga diblomaasinimo ka guddoomay Amb. Awale Kullane oo ah safiirka cusub ee safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaasi Shiinaha.

Munaasabadda warqadaha looga guddoomayay safiirka cusub oo ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda dalkaasi Shiinaha ayaa Madaxweyne Xi Jinping waxaa laga dareemayay farxad, isagoo hadba madaxa u ruxayay khudbadda safiirka cusub.

Ambassador Cabdi Kulane oo ah diblomaasi aqoontiisu sareyso ayaa u ballabqaaday Madaxweynaha Shiinaha inuu dadaal dheer u gelayo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Xi Jinping ayaa isna dhankiisa waxa uu si weyn u soo dhoweeyay safiirka cusub ee Soomaaliya u soo magacowday dalkiisa, isagoona tilmaamay in labada dal ay leeyihiin xiriir dheer, wuxuuna caddeeyay inuu qeyb ka qaadan doono dib u dhiska Soomaaliya iyo garab istaagga dowladda si loo soo celiyo kala dabeynta iyo xasiloonida.