Doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo bilaabatay iyo musharax la saadaalinayo inuu si fudud ku guuleysto

Magaalada Baydhaba waxaa si rasmi ah uga bilowday doorashada xilka Madaxweynaha maamul goboleedka K/Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay ku tartamayaan ilaa shan musharax halka musharax Muqtaar Roobow ay xabsiga dhigta Dowladda Federaalka aanu ka qeyb geli doonin.

Hoolka ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa ku sugan Xildhibaanada Baarlamaanka, shanta musharax, guddiga doorashooyinka iyo wufuud ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kor joogto ka ah hannaanka ay u dhaceyso doorashada.

Ammaanka magaalada Baydhaba ayaa guud ahaan si weyn loo adkeeyay 24-kii saac ee la soo dhafay kaddib markii magaalada lagu daadiyay ciidamo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, maamulka K/Galbeed iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Magacyada Musharaxiinta:

  1. Sayid Axmed Sheekh Daahir
  2. Ibraahim Macallim Nuurow
  3. Xuseen Cismaan Xuseen
  4. Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) &
  5. C/Casiis Xasan Max’ed Laftagareen

Jawiga doorashada Baydhaba oo guud ahaan degan, ayaa waxaa soo baxaya saadaasha laga bixinayo musharaxa ku guuleysanaya tartanka Madaxweynaha, waxayna inta badan saadaashaasi sheegeysaa inuu ku guuleysanayo C/Casiis Xasan Max’ed Laftagareen, kaasi oo isaga lagu sheegay inuu yahay musharaxa taageerada ballaaran ka heysta Dowladda dhexe ee Federaalka.