Ammaanka Magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn loo adkeeyay.

Dhammaan wadooyinka Magaalada Baydhabo ayaa xiran, waxaana sidoo kale xiran Kontorooladda laga soo galo Magaalada Baydhabo, mana jirto cid Magaalada soo galeysa.

Xaafaddaha Qaar ee Magaalada ayaa lagu arkaya Ciidamo Itoobiyaan iyo ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo si wadajir ah Ammaanka u ku sugaya.

Doorashadda Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu waddaa in ay maanta ka dhacdo Magaalada Baydhabo.