Wararkii ugu dambeeyay qabanqaabada doorashada Madaxweynaha K/galbeed

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa K/galbeed iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM la soo dhoobay goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wadooyinka iyo Xaafada Magaalada Baydhabo ayaa lagu arkayaa Ciidamo badan kuwaas oo si taxadar leh u baaraya gaadiidka.

Waxaa Magaalada si weyn maanta loo dareemaya qaban qaabada iyo diyaar garowga loogu jiro Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed oo beri ku beegan.

Ammaanka hoolka ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Booliska Soomaliya iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Doorashada ayaa waxa ku tartami doono shan Musharax, kuwaas oo maanta olalahoodii ugu xoganaa ka wada Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed aaa maanta yeelanaya kulan looga hadlayo doorashada Madaxweynaha ee berri la qabanayo iyo diyaarinta howlaha doorashada.