Guddoomiye Barre oo faahfaahin ka bixiyay duqeymaha Sh/ Hoose

Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo Wareysi gaar ah siiyay warbaahinta gudaha ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Guddoomiye Barre ayaa sheegay in ay si u dhow ula socdaan duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ay la shaqeeyaan Ciidamada dowladda, kuna soo wargaliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab

Shalay ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegay in illaa 6 duqeymood uu ka fuliyay deegaankada Gandarshe ee gobolkaasi uu ku dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab.