DEGDEG: Tababare Jose Mourinho oo shaqada laga eryay

Tababaraha kooxda Manchester United ayaa shaqada laga eryay, kaddib markii kooxdaasi ciyaaraha horyaalka dalka Ingiriiska ay ka soo gaareen guul darrooyin xiriir ah.

War goor dhow ka soo baxay xarunta maamulka sare ee naadiga Manchester United ayaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo agacaabayo tababare cusub, kaasi oo lagu sheegay inay socoto baadi goobkiisa.

Tababare Jose Mourinho oo u dhashay dalka Spain ayaa muddo sanad iyo bar ah leylinayay kooxda Manchester United, isagoona guulo badan ka soo hooyay tartamada ciyaaraha horyaalada dalka Ingiriiska iyo kan Yurub.

Taageerayaasha kooxda Manchester United ayaa si weyn u soo dhoweeyay shaqo ka eryidda Jose Mourinho, kaddib markii ay ka caroodeen hoos u dhaca xoogan ee ku yimid kooxdaasi tan iyo markii uu hoggaanka u qabtay Jose Mourinho.