WAR CUSUB: Madaxweynaha Jubbaland oo kulan qarsoodi ah kula qaatay Gaarisa Siyaasiyiin iyo Odiyaal

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe ayaa magalada Gaarisa oo dhacda gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya kulan kula qaatay siyaasiyiinta iyo odiyasha dhaqanka ee maamulka Gaarisa isagoo kala hadlay doorashooyinka madaxtinimo ee ku soo socda maamulkiisa.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegaya in Mr Madoobe uu ka dalbanayo taageero dhan walba ah qabiilkiisa oo ku badan dalka Kenya iyo gobalka Waqooyi bari Kenya.

Doorashada madaxtnimo ee Jubbaland waxaa ka harsan waqti kooban, murashaxiin dhowr ahna wey u tartameysaa, waxaana Axmad Madoobe uu kursigiisa kaga cabsi qabaa musharaxiin gaar ah oo uu wato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, sida uu wargeyska qoray.

Kulanka qarsoodiga ah ee dhexmaray Axmad Madoobe iyo odiyaasha Kenyan-ka ah waxa uu ku soo dhamaaday isafgarad ku aadan in dib u doorashadiisa lagu taageero.

Osman Ibrahim,  waa mid kamid ah odiyaasha ugu waa weyn Gaarisa waxa uu xaqiijiyay kulanka uu la qaatay Axmad Madoobe, laakiin wuxuu ka gaabsaday in uu faahfaahiyo arrimaha doorashada ee laga wada hadlay.

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa laga howlgeliyay ciidamada Kenya sanadii 2012-kii si ay ula dagaalamaan Al shabaab, waxaana maamulka ka dhisan hadda uu yahay mid u jilcan dowladda Kenya oo la sheegay in taageero dhaqaale uu ku heysto Axmad Madoobe.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Gmail: Abdiazizh99@gmail.com