Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Cafriin.

Gaari wax yaabaha qarxa laga soobuuxiyay ayaa waxa uu ku qarxay Magaalada Cafriinoo kutaalo waqooyiga dalka Syria halkaas oo ah goob ay maamulaan kooxdaKurdiyiinta ee mucaaradka ku ah dowlada Turkiga.

Qaraxa ayaa ugu yaraan waxaa ku dhintay 4, ruux halka 20, kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa oo dhacay galinkii dambe ee maalinimadii Axadda ayaa waxa uu ku soo aaday ayadoo isbuucan gudihiisa madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay In uu weerari doono Falagaada Kurdiyiinta oo taageero ka hesha dowlada mareykanka.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigiisu yahay caasimada dalka Ingiriiska ee London sheedana kala soda dagaalka kasoconaya dalka Siiriya ayaa sheegay in dadka ku dhintay qaraxaasi ay gaarayaan 8 ruu oo 4, kamid ay ahaayeen dad shacab ah.