Odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo markale dalbaday in doorashada dib

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Baydhaba lagu qabto kulan ay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonaan khudbadahooda.

Kulankan ayaa waxaanan ka qeybgaleyn Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta doorashadaasi kaas oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidammada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa qalalaasihii ka dhashay ilaa iyo haatan waxa uu ka taagan yahay magaalada Baydhaba.

Dhanka kale odoyaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa weli waxay dalbanayaan in doorashada dib loo dhigo si loo xalliyo khilaafaadka taagan.

Haddaba waxaan khadka taleefanka ee Baydhaba kula xiriirnay Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha Koonfur Galbeed, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay sababta ay xilligan u dalbanayaan in doorashada dib loogu dhigo?