Monchi oo qalbiga ka jebiyay rajadii Manchester United

Manchester United ayaa horraan isugu dayday inay agaasimaheeda cusub ee dhanka ciyaaraha ka dhigaan agaasimaha kooxda Roma ee Monchi, balse waxaa lagu soo warramayaa inuu iska diiday.

Daily Mail iyo Daily Express oo labaduba kasoo baxa Ingiriiska ayaa waxa ay tilmaamayaan in kooxda ugu guulaha badan Premier League ay raadineysay xal ay ku nasiyaan maskaxda Jose Mourinho, si suuqa kala iibsiga mashquulkiisa uu uga nasto.

United ayaa dooneysa agaasime dhanka ciyaaraha ah inay yeeshaan markoodii ugu horreysay, waxaana taasi sabab u ah in Mourinho uu dareemay mashquul badan oo dhanka maskaxda ah.

Sidaas darted Monchi ayay qorsheeyeen inay ka dhigaan agaasimahooda ciyaaraha, si uu ula fal galo heshiisyada kooxda ay sameyneyso.

Waxaa beddelkiisa booskaas inuu United u noqdo ugu cadcad Paul Mitchell, kaasoo hadda ka howl gala RB Leipzig, sidoo kalena lasoo shaqeeyay Tottenham, Southampton iyo MK Dons.

Si kastaba ha ahaatee, dookhii koowaad ee United oo ahaa Monchi waa uu iska diiday Red Devils, waxaana uu caddeeyay inuu doonayo inuu xoogga saaro kooxda Roma.

Goolhayahii hore Sevilla ayaa agaasime kasoo noqday kooxdii uu ciyaarri jiray ee Sevilla intii u dhaxeyay 2000 illaa 2017, waxaana uu hadda agaasimaha ciyaaraha u yahay kooxda Roma.